Xubo ka tirsan IGAD oo magaaladda Badweyne u tagay fudenta dhimaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Wafdi uu hogaaminaayo wakiilka Urur Goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Afeey ayaa gaaray magaaladda Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan, si ay u fudenta dhimaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xubanha IGAD, waxaa wehlinayay saraakiil ka socday wasaaradda arimaha dibada ee dalka Itoopiya, waxaana shalay ay kulamo ay la qaateen, Ugaas Hassan, iyo hogaamiyaasha dhaqanka magaaladda, waxaana ay kala hadleen arimaha fududeyn karo, dhimaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

wakiilka Urur Goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Afeey, ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan, in uu dar-dar galo shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ugaas Hassan, oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in waxyaabo badan ay ka wada hadleen, waxaana uu sheegay in ay isla garteen waxbadan.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sameysanka maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, inkastoo hadda uu hakad ku jiro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor