Laamaha amniga Dowladda Kenya ayaa sheegay in 3 qof oo looga shakisan yahay Al-shabaab ay ku geeriyoodeen 4 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib ay ku qarxay miino ay ku aasayeen Magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari.
War kasoo baxay Laamaha ayaa waxaa lagu xaqiijiyay geerida 3 qof xili ay qarax aasayeen, waxaana intaasi ay ku dareen in 4 qof oo dhaawacyo ay soo gaareen.
Police ayaa heley xog ku saabsan in 4 qof ee dhaawacantahay durba lagu qaaday gaari nuuca Toyota Hilux ah, isla markaana ay qaadeen dad kale aan boolisku ahayn, ayan la baxsadeen.
Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in Alshabaab ay kordhiyeen mudooyinkii ugu dambeeyay miinooyinka ay dhulka ku aasayaan,gaar ahaan hareeraha waddooyinka.
Kenya ayaa sheegtay in Ilaa 20 qof ay ku geeriyootay weeraro kala duwan oo Alshababa ay ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, inta u dhexeysay bilihii Janury iyo February.