Waxaa xalay saqdii dhexe duleedka Magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika ka dhacay shil gaari oo Khasaaro uu kasoo gaaray Muwaadin Soomaaliyeed, kana mid ahaa dadka goobaha Gancsiga ku leh halkaas.
Warar la helayo ayaa sheegaya in gaari uu watay Muwaadinka Soomaaliyeed uu ku dhacay gaari kale oo ku socday xawaare sare, isagoo dhaawac ahaan halkaas loo qaaday, balse markii dambe uu dhintay.
Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Abdi oo loo yaqaanay CAGAWAYNE, isla markaana waxaa la sheegay inuu kamid ahaa dadka Soomaalida ah ee Gansciga ku leh dalka Koonfur Afrika.
24-saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa waddo ku taalla duleedka Magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika siyaabo kala duwan uga dhacay shilal gaari ah oo ay ku geeriyoodeen saddex dhalinyaro Soomaali ah, halka muwaadin kalena weli la la’yahay.
Si kastaba Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan dilal loogu geystaa Muwaadiin Soomaaliyeed oo halkaas ku leh goobo Ganacsi, halka mararka qaarkood muwaadiniinta loo geysto goobahooda Ganacsi dhac burcadnimo ah.