Xubnahii magacaawnaa ee Maxkamadda sare oo Waayay kalsoonida Wakiillada Puntland

Xubnaha magacaaban ee Maxkamadda sare ee Dawlad Goboleedka Puntland ayaa waayay codka kalsoonida ah kadib markii Baarlamaanka maamulka Puntland ay maanta kulan ka yeesheen Ansixinta Xubnaha magacaownaa.

Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 43 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta xubnaha magacaaban ee Maxkamadda sare ee Dawlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 23 Xildhibaan, Diidmo 11, Aamus 9 xubnood, waxayna codka kalsoonida ku heli lahaayeen 34 xubnood markii ay Oggol ugu codeeyaan.

Xubnihii magacownaa ee Maxkmadda sare ee Puntland ayaa sidaa ku waayay kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor