Booliska Denmark oo war kasoo saaray shacab lagu toogtay Copenhagen

Booliska Denmark ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayo in weerar argagixiso uu ahaa toogashadii ka dhacday mid kamid ah xarumaha lagu dukaameysto ee ugu weyn dalkaas.

Booliska waxay sidoo kale sheegeen in ninka looga shakisan yahay weerarka uu ahaa nin qaba xanuunada dhimirka taas oo horey loogu sheegay.

Nin hubeysan ayaa saddex qof ku dilay magaalada Copenhagen .

Nin 22 jir ah ayaa la xiray oo lagu eedeeyay weerarka kaas oo argagax ku abuuray dadkii wax ka iibsanayay suuqa Field ee koonfurta magaalada Copenhagen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor