Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Magalada Hargeysa lagu xiray Xogheyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya.
Cabdiqani Yaasiin Maxamed ayaa xalay waxaa Magalada Hargeysa ku xiray Ciidamada Soomaaliland,isaga oo ka tegay Magalada Muqdisho maadaama uu Xoghaye u ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar)
In kastoo laamaha amniga Soomaaliland soo bandhigin sababta ay u xureyn Cabdiqani Yaasiin Maxamed ayaa hadana waxaa dhowr mar Hargeysa iyo deeganada kale ee Soomaaliland lagu xiraa dadka ka taga Muqdisho,iskadaa in ay xilka hayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Horay ayaa waxaa loo xiray dad isugu jira mas’uuliyiin,Siyaasiyiin Wariyeyaal iyo Fanaaniin kuwaas oo qaarkood xukun lagu riday qaarna lasiidaayeymudo markii ay xirnaayeen.
Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka weli wax faah faahin ah kama bixin xariga Xogheyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Cabdiqani Yaasiin Maxamed.