(XOG): Madaxweyne Trump oo caqabad ku noqday Gargaarkii Maraykanka ee loo soo diri lahaa dadka ku macluulsn Somalia

Mudanaha Muslimka-Maraykanka ee ka tirsan Xisbiga Demuqraadiga ee dalkaasi, Kaith Ellison ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu dhawaan siiyey Barnaamijka Aroornimo ee Telefishinka MSNBC’s Morning, wuxuuna sheegay inay Xayiraadda Socdaalka ee uu Donald Trump soo rogay wax u dhimi doonto Soomaalid ka soo cararaysa Macluusha.

Kaith Ellison oo laga soo doortay magaalladda Minneapolis ayaa tilmaamay in Tallaabaddii uu Donald Trump dib ugu eegay Xayiradda Socdaalka muujinayso Xaasidnimo, kana baxsan Aadaminimadda, isla markaana ay waxyeello ba’an u geysanayo Mujtamaca Muhaajiriint ee ku nool Maraykanka.

Waxa kale oo uu sheegay in Xayiraadda Socdaalka ee Donald Trump k hor joogsan doonto Soomaalida inay helaan Gargaarka uga imaan lahaayeen Marayknka, si looga hortago Macluusha ka jirta Somalia.

 

“Somalia waxaa ka jirta AbaAr iyo Macluul, Waxaa laga xayiri karaa Gargaarkii Samafalka ee uga iman lahaa Maraykanka, sababo la xiriira Xayiraadaasi” ayuu yiri Mudane Kaith Ellison, wuxuuna intaasi ku daray inay u han weyn yihiin Mujtamaca Somali-Maraykanka ee ku nool magaalladda Minneapolis.

Dhinaca kale, Afhayeenka Mudanahaasi oo lagu magacaabo Brett Morrow ayaa sheegay inay QM ku qiyaastay inay ku-dhawaad 6 million oo Somali ah u baahan yihiin Gargaar Cunto.

 

Ellison
Says President Donald Trump’s travel ban could ban Somalis “from getting relief (from famine) through coming to the United States.”

“Somalia is now going through a massive drought and a famine, and these people could be banned from getting relief through coming to the United States, because of this ban,” he said.

“This is inhumane, and it’s cruel and it’s wrong.”

Xigasho: politifact.com

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media