DHAGEYSO:- Saraakiisha Jubbaland oo soo jeediyey in laga feejignaado Qaraxyo ka dhaca Kismaayo

Laamaha amaanka ee maamulka Jubbaland ayaa ka digay suurtagal-nimada qaraxyo ka dhaca goobaha ay dadka isugu yimadaan gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose kadib qarax shalay ka dhacay magaladaasi.

Axmed Cabdullaahi Ciise oo ka mid ah Saraakiisha Jubbaland,waxaa uu kula dardaamay shacabka inay markastaa ka feejignaadaan, meelaha ay tagayaan,islamarkaana ay ka warhayaan xaalada amaan halka ay joogaan,si markataa isaga ilaaliyaan waxyeelada ay kala kulmaan qaraxyada ka dhaca magaaladaasi, oo uu sheegay inay hadaf lahayn kooxaha ka danbeeya qaraxyada sida uu hadalka u dhigay sarkaakan.

Shalay magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah kadib ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu kaligiis ku qarxay goob banaan oo ka tirsan xaafada Calan-ley ee magalada Kismaayo.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media