Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku mashquulsan Dhismaha Xukuumadda Federalka iyo hawlo kale ayaa la filayaa inuu maalinta Khamiista booqashadiisa ugu horreysay ku tago caasimdda dalka Kenya.
Xoghayaha Isgaarsiinta ahna Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, Manoah Esispisu ayaa Csuumaadaasi kaga dhawaaqay Shirkiisii 7-aadlaha oo uu maanta ku qabtay magaalladda Nairobi
Waxa uu sheegay  socdaalka Mdaxweyne Farmaajo in looga hadli doono Ammaanka iyo Degananshaha Somalia, ka hor Shirweynaha Khaaska ee Hoggaamiyayaasha Urur-gobaleedka IGAD maalinta Sabtida ee soo socota uga furmi doona magaalladda Nairobi.
Shirkasi waxaa diiradda lagu saari doonan Arrimaha Qaxootiga Somalia iyo Ammaanka Gobalka, waxaa kaloo dib-u-eegis lagu samayn doonan Xaalladaha dalalka South Sudan, DRC iyo Burundi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya ayaa caasuumaadaasi shaaciyey, xilli aysan Dowladda Kenya wax raalli-gelin ah ka bixinin Safarkii Uhuru Kenyatta shalay ku tegay Dhoobley, iyadoo aan DFS lagu wargelinin booqashadaasi.
Afhayeenka waxa uu socdaalkaasi ku tilmaamay wax caadi ah oo aan xasaasiyad Diplomaasiyadeed lahayn.
Si kastaba ha ahaatee,  waxaa isweydiin mudan Madaxweyne Farmaajo ma laali doonaa Casuumaadaasi? Ma ku cadaadin doonaan Dowladda Kenya inay raalli-gelin rasmi ah ka bixiyaan xadgudubka Socdaalkii Uhuru Kenyatta fasax la’aan ku soo galay Xuduudka Somalia, gaar ahaan Degmadda Dhoobley?
©Radio Dalsan