Muqdisho, Soomaaliya – Soomaaliya oo markii ugu horreysay si rasmi ah u sahmaysa kheyraadkeeda shidaal iyo gaas ayaa gaartay guul horudhac ah oo lagu tilmaami karo mid taariikhi ah. Ilo xog ogaal ah oo laga helay gudaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sheegay in laba kamid ah saddex ceel oo la sahmiyey laga helay gaas dabiici ah oo ganacsi ahaan loo faa’iideysan karo.
Mashruuca sahminta oo uu hogaaminayo shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO), ayaa qeyb ka ah heshiis taariikhi ah oo Soomaaliya iyo Turkiga ay ku gaareen magaalada Istanbul 7-dii Maarso 2024, kaasoo si gaar ah diiradda u saaray sahminta iyo soo saarista shidaalka badda Soomaaliya.
Warbixinaha hordhaca ah ee aan helnay waxay muujinayaan in laba kamid ah ceelasha la baaray la soo gabagabeeyey, halka ceelkii saddexaad wali baaritaanku ka socdo. Injineerada mashruuca ayaa saadaaliyay in mid kasta oo kamid ah ceelasha laga yaabo in laga helo ilaa 10 bilyan oo fuusto oo gaas ah, taasoo ah tiro ganacsi ahaan faa’iido weyn leh.
“Daraasadda aan hayno 90% waxay muujinaysaa jiritaanka gaas suuq ahaan loo iibin karo,” ayuu yiri ilo farsamo oo ku dhow mashruuca.
Baaritaannada ceelasha waxaa la qorsheynayaa in la soo afjaro bisha Agoosto 2025, iyadoo lagu wado in tijaabooyinka shidaalka iyo gaaska loo diro sheybaarrada ku yaalla dalka Turkiga, si loo xaqiijiyo nooca iyo tayada kheyraadka la helay.
Haddii baaritaanku si buuxda u caddeeyo xogta hadda la hayo, Soomaaliya waxay u gudbi doontaa wejiga qoditaanka ceelasha si rasmi ah ugu billowda dhamaadka sanadka 2025.
Heshiiskan muhiimka ah ee shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirkii hore ee Shidaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, iyo Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar. Waxaa lagu heshiiyay in baaritaanku khuseeyo saddex kamid ah 216 qaybood oo la rumeysan yahay inay shidaal ku jiraan xeebaha Soomaaliya.
Heshiiska ayaa ku dhisan is-faham iyo faa’iido wadaag, iyadoo Turkigu bixinayo maalgelinta, farsamada, iyo taageerada diblomaasiyadeed.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa heshiiska ku sifeeyay “furitaanka bog cusub oo taariikhi ah.”
“Tani waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya si rasmi ah u sahmiso kheyraadkeeda. Cidda ugu horreysa ee gasha ayaa helaysa faa’iidada ugu badan. Turkigu waa saaxiibkeen, waxaana dunida tusineynaa in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub.”
Haddii sahminta la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa isbeddel dhaqaale iyo istaraatiiji ah oo weyn, iyadoo Soomaaliya ay heli doonto dakhli malaayiin dollar ah, abuurista shaqooyin, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadidda saameynta diblomaasiyadeed ee gobolka.
Turkiga oo durba saldhigyo milatari iyo xiriir siyaasadeed la leh Soomaaliya, ayaa sii xoojinaya saameyntiisa Gobolka Geeska Afrika.
Haddii xogta la xaqiijiyo, Soomaaliya waxay si rasmi ah u bilaabi doontaa wejiga qodista iyo soo saarista shidaalka, waxaana dowladdu sidoo kale diyaarin doontaa sharciyo iyo heshiisyo cusub oo ku saabsan qaybinta faa’iidada shidaalka.