Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (JDP) Gen.Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka hadlay qaraxii saakay ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Hirshabeelle.
Gen. Muungaab ayaa tacsi u diray Ehelada,Asxaabta iyo Umadda Soomaaliyeed ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiinta kala ahaa Guddoomiye kuxigeenkii dhanka Maaliyadda Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriiye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay Hay’ad Samafal,kuwaasi oo ku dhintay qaraxii Maanta ka dhacay duleedka Balcad.
“Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo Kan Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (JDP) waxaan halkaan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Ehelada, Asxaabta Iyo Umadda Soomaaliyeed ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiinta kala ah Guddoomiye kuxigeenkii dhanka Maaliyadda ee Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriiye Cusmaan Iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay Hay’adaha Samafalka Gobolka”ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka.
Waxaa kaloo uu yiri “Alle SWT haka waraabiyo Naxariistiisa Jano, Eheladooda, Asxaabtooda iyo Umadda Soomaaliyeed na Samir iyo Imaan Alle haka siiyo”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab Internet-ka ay ku leeyihiin ayaa waxaa ay sheegteen Mas’uuliyada Qaraxii saakay lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle,kuwaasi oo qaraxa lala eegtay xili ay baxeen Degmada Balcad kuna sii jeedeen Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.