Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Maamulka Galmudug, kuwaasi oo ka kooban 15-xubnood.
Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Diiwaagelinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ay bilaabaneyso Maalinta Berri ah ayna ku egtahay 15-ka Bishan January 2020.
Sidoo kale Qoraalka Guddiga ay soo saareen ayaa waxaa lagu shaaciyay in Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen la qaban doono 17-da Bishaan oo ku beegan Maalinta Jimcaha ee soo socota.
Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.