Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay Mooshin u gudbiyeen Guddoonka Golaha Shacabka.
Xildhibaanada ayaa soo jeediayay in ajandaha lagu daro mooshin ka dhan ah kufsigii iyo dilkii Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax oo dhawaan kufsi iyo dil loogu gaysatay Magaalada muqdisho.
Xildhibaan Cabdi Shire oo ka mid ah Xildhibaanada Goloha Shacabka baarlamanka Federaalka ayaa sheegay in ay soo gudbiyeen Mooshinka isaga iyo Xildhibaano kale, balse waxaa uu sheegay in guddoonka uu codsaday in dib loo dhigo.
Waxaa uu sheegay Guddoonku ay guddi u saari doonaan arrintaas, iyadoo guddigu ay baaraitaan ku sameyn doonaan falka kufsiga iyo dilka ahaa.
Xildhibaan Cabdi Shire ayaa intaas ku daray in ay tixgaliyeen codsiga guddoonka, waxaana xildhibaanada uu ka codsaday in ay sameeyaan dadaal dheeraad ah oo wax looga qabanayo falalka kufsiga ah ee kusoo noq-noqday dalka, waxaana uu shegay in ay xildhibaanadu ka xun yihiin falkii foosha xumaa ee lagula kacay Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd Gabar 19 jir ahayd.