Baarlamaanka DGGM ayaa kulan ku yeeshay xarunta uu ku shaqeeyo Baarlamaanku ee Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug, Kalfadhiga 2aad kulankiisa 3aad.
Ajandaha kulanku ayaa ahaa:
- Ansixinta Jadwal-Hawleedka Golaha ee Kalfadhiga 2aad.
- Ansixinta Qorshe-Hawleedka Baarlamaanka 2aad ee 2020 – 2024.
- Bandhigga Dib u Eegista Xeer-Hoosaadka,
Kulanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal
Guddiga xeer hoosaada Anshaxa iyo Xasaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaanada ka horjeesdiyay Talooyin ku saabsan dib u eegista Xeer hoosaadka Baarlamaanka Galmudug, waxaana kulamada kale Baarlamaanka Xildhibaanada ka doodi doonaan wax ka badalka Xeer hoosaadka
Ugu dambeyntii kulanka waxaa soo xiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal.”