Xildhibaano Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in Magaalada dhuusamareeb e Xarunta Maamulka Galmudug ay gaaraan xildhibaano ka tirsan Maamulkaas si ay uga qeyb qaataan isku-dhafka xildhibaanada Galmudug iyo Ahlusunna oo Midoobay.

Maalin ka hor dhuusamareeb,waxaa gaaray wefdi uu hogaaminayay gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboledka Galmudug Cali Gacal Casir,waxa uuna ugu baaqay xiligaas in dhammaan xildhibaanada Galmudug laga doonayo in ay tagaan Magaalada Dhuusa Mareeb.

Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa dhowr mar ku celceliyay in Xildhibaanada Galmudug ee ka maqan Dhuusamareeb in ay tagaan si loo gudagalo mideynta labada Baarlaman ee Galmudug iyo Ahlusunna.

Maanta ayaa la filayaa in xildhibaanadiii ugu dambeeyay ee Galmudug in ay gaaraan Dhuusamareeb,waxana socda diyaar garoow ku aadan sidii la’iskugu dari lahaa Xildhibaanada Galmudug iyo kuwa Maamulkii Ahlusunna.

Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku sugan dhammaan madaxda Maamulkaas,waxana bilaabanaya howlshii laga sugayay,iyada oo ay socdaan dhismooyinka Xarumaha Maamulka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media