Dhageyso:-Baarlamaanka Soomaaliland oo u yeeray Xubnihii u saxiixay heshiiskii Dekada Berbera Su’aalana weeydiinaya

Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ayaa Maanta wax ay Hargeysa ku yeelan doonan kulan aan caadi aheyn kaas oo ay hortegi doonaan Wakiiladii Soomaaliland u saxiixay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dekada Magaalada Berbera.

Kulankaas oo ka duwan kulamadii hore ayaa Su’aalo lagu weeydiin doonaa Wakiilada u saxiixay Maamulka Soomaaliland heshiiskaas sida uu Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax.

Gudoomiye Baashe ayaa sheegay in Gudigii ka yimid Dubai ay Golaha Wakiilada ka horjeedin doonaan heshiiskaas,sidoo kalena Goluhu ay su’aalo weydiin doonaan.

Xiisadii ka dhalatay heshiiskii Shirkada DP World, Dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland ee Dekada Magaalada Berbera ayaa weli taagan kadib markii  dowladda Soomaaliya ay sharcidarro ku tilmaamtay heshiiskaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media