Waxaa Maanta gebi ahaanba ku dhawaaqay in uu isaga baxay Xubinimadii Xisbiga Modwga Nabada iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud Xildhibaan Cali Cabdi Cismaan.
Xildhibaan Cali Cabdi Cismaan ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacbaka ee isbedelka dhawaan uu ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu hakiyay Xubinimadii Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud.
Asalaamu Caleykum dhamaan umada Soomaaliyeed.
Waxaan ka mid ahaa xubin ka tirsan Xisbiga MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA (UPD) Waxaan rabaa halkaan in aan idin kala wadaago laga bilaabo 26ta Janaayo 2019 waxaan cadeeynayaa in aan iska hakiyey xubin nimadii Xisbiga UPD. Asxaabteyda UPD waxaan u rajeynaa guul, Horumar iyo UPD Xisbi Qaran noqda.
Mahadsanidin
Waa Xildhibanakii Saddexaad eek u dhawaaqa in uu isaga baxay Xisbiga Midowga Nabadda Iyo Horumarka (UPD) ,waxaana horay uga baxay Xildhibaanada kala ah Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.