Dhageyso:- Cunug-yar oo laga helay Goob Qashinka la dhigo oo lagu tuuray Muqdisho

Cunugaan oo maalmo- yar kaliya dhalan ayaa la dhigay Goob qashinka la dhigo oo ku taalla Xaafada Kaawa godeey ee degmada wadajir ee Gobolkaan Banaadir.

Dad ku sugan Xaafadaas ayaa arkay cunugaas oo la dhigay goobta qashinka oo uu ka baxayo geedka loo yaqaano Cali Garoobka,kaas oo la sheegay inay soo tuurtay Hooyadii dhashay.

Yuusuf Ibraahim Yacquub oo ah Shaqsi goobta kasoo qaaday Cunugaasi yar ayaa sheegay in uu yahay cunuga mid Saacado uun kaliya dhalan,isla markaana la dhigay Goob qashin-qub ah oo ku taalla agagaarka Masjidka Xasan Jiis ee Xaafada Kaawa godeey degmada wadajir.

Waxa uu sheegay in haatan cunugaas ay xanaaneynayaan,maadaama aan weli la garan hooyadii dhashay ee ku tuurtay goobta qashinka lagu daadiyo.

Dhacdooyinka la xiriira Ilmaha in la tuuro markii la dhalo ayaa ah kuwo dhowr jeer ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxaana lala xiriiriyaa inay ku timid in uusan wax nikaax ah markii hore ku dhalan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor