Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saacad kadib ka furmaya mid kamid ah kulamadii caadiga ahaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kulankaas oo ah mid siweyn isha loogu haayo.
Ajendaja kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Khudbad uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo uga hadli doona Arrimo kala duwan.
Xarunta Villa Hargeysa ayaa haatan waxaa ku sugan Xildhibaanadii ugu badnaa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka, kuwaasi oo goorsii horeysay ee Maanta sii xaadiray, sida ay sheegayaan Xildhibaano halkaas ku sugan.
Sidoo kale Xarunta ayaa waxaa ku sugan Guddoomiyaha Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga, waxaana daqiiqado kadib tegaya Madaxweyne Farmaajo.
Khudbada Madaxweynaha u jeedinayo Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la sheegayaa inuu uga hadli doono arrimaha siyaasadda dalka, amniga iyo Arrimaha doorashooyinka aan weli la ogeyn xiliga ay dalka Soomaaliya ka dhacayaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ka qeyb galo kulanka Golaha Shacabka, kadib waxaa uu safar ugu ambabixi doonaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.