Iyadoo Teendhada Afisyooni ee Xayndaabka xalane ay haatan ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu qabanayo doorashada Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka 11aad, ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xarunta ay goordhweyd gaareen Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-waaq.
Xildhibaanada 16ka kursi ee dhawaan Ceelwaaq lagu soo doortay ayaa haatan ku sugan Hoolka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Teendhada Afisyooni.
Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno xarunta ayaa sheegaya in Xildhibaanada hadda soo xaadireen Hoolka Doorashada iyada oo lagu wado in ay bilaabato doorashada.
Ammaanka guud ee halka doorashadu ka dhacayso ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo Ciidanka Booliiska Federaalka iyo kuwa gaarka u tababaran ee Koofi Casta ayaa ka shaqeynaya ammaanka Hangarka Afisiyooni.
Wali dooarshadu si toos ah uma bilaaaban, waxaana ay u muuqataa in isla caawa lagu kala bixi doono Guddoonka Golaha shacabka, oo dib u dhac ku yimid, kadib markii la carqaladeeyay Howlwadeennada iyo mas’uuliyiinta ku howllan arrimaha doorashooyinka dalka.