Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iska Casilay xubinnimadii Xisbiyada Himilo Qaran iyo UPD oo ay kala hogaamiyaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh.
Xildhibaanada iska Casilay Xisbiyada oo ah 4 Mudane ayaa laba waxaa ay ka tirsan yihiin Golaha Shacabbka, halka labada kalena ay yihiin Senato Aqalka Sare ayna deegaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi.
Sababta ay isku Casileen xubnahaas ayaa ilo ku dhow dhow oo ku sugan Dalka Turkiga waxaa ay Dalsan u sheegeen inay tahay magacaabistii Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta xeerarka Sharciga Doorashooyinka Qaran ee dhowaan soo magacaabeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka.
Sidoo kale xubnaha la hadlay Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Xildhibaanada ay ka biyo diidan yihiin qaabka lagu saleeyay Guddigaas oo 5 ka mid ah laga soo xulay Mucaaradka oo aanay ku jirin xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi halka 12 kale ay yihiin kuwao taageersan Xukuukmadda.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Xubnaha ay cadaadis ku saareen Madasha Xisbiyada Qaran inay isaga baxaan Guddigan wadajirka ama qaadacaan habka loo xulay xubnaha ku jira Guddigan iyo qeybta Gobolada Waqooyi ee ka yimid dhanka Xukuumadda.