Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimo kala duwan ku yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali ahna Guddoomiyaha Xisbiga Ileys,Xildhibaanad Mina Xasan Shibis iyo Mas’uuliyiin kale,waxaana inta uu socday looga hadlay arrimo kala duwan.
Warar laga helayo kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xildhibaanada ay ka wada hadleen sidii Maqaam loogu sameyn lahaa Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb gashay ayaa Guddoomiye Cumar Finish ugu hambalyeeyay mas’uuliyada Cusub ee loo dhiibay,isla markaana sheegay inay la shaqeyn doonaan.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa kamid ah Mas’uuliyada sida weyn u horboodeysa in Maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir,waxaana raadinta Maqaamka Muqdisho soo socotay sanado badan.