Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dhaawacay Guddoomiyihii Isbedel doonka Jubbaland,kaasi oo la toogtay xili uu kusii jeeday Masjid ku yaalla halkaas.
Dhaawaca Axmed Jaamac Qalyar ayaa waxaa la geeyay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee Kismaayo,waxaana goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday kooxihii ka dambeeyay falkaas.
Axmed Jaamac ayaa ahaa Guddoomiyihii Guddigii la magac baxay Isbedel doonka Jubbaland xiligii ay ka dhaceysay Doorashada maamulkaas ,isla markaana kamid ahaa xubnaha kasoo horjeeda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa ka hadlay falkii dhaawaca ahaa ee xalay Mgaaalada Kismaayo loogu geytay Axmed Jaamac.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in Axmed xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan,isla markaana Ciidanka amniga Jubbaland ay ku raadjoogaan ragii ka dambeeyay falkii lagu dhaawacay.
Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka Jubbaland.