Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, iyagoo kulankooda ku ansixiyay Hindise-sharciyeed la horgeeyay.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ahaa Akhrinta saddexaad Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dii-wangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaliyeed iyo Akhrinta 2aad Marsiiyey H/Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood dheer kadib ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dii-wangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaliyeed, waxaana Ogolaatay 143, Mudane ma jirin wax diiday ama ka aamusay.
Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Akhrinta 2-aad Marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka (Immigratin Bill).
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo labadiisa ku-xigeen Mahad Cabdalla Cawad iyo Cabdiweli Muudey.