Maanta oo sabti ayaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Khudbad uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo uga hadli doono Arrimo kala duwan.
Khudbada Madaxweynaha uu jeedinayo ayaa waxaa la sheegayaa inuu uga hadli doono arrimaha siyaasadda dalka, amniga iyo Arrimaha doorashooyinka aan weli la ogeyn xiliga ay dalka Soomaaliya ka dhacayaan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa goorsii horreysay loo diray fariimo ku aadan in Maanta oo sabti ah uu jiro, isla markaana laga doonayo Mudanayaasha inay kasoo qeyb galaan kulanka, maadaama uu Madaxweyne Farmaajo uu hortegayo Golaha.
Xarunta Villa Hrageysa ayaa waxaa haatan ka socota diyaara garoow ku aadan kulanka, isla markaana waxaa kusii qul-qulaya Xildhibaanadab, iyadoona kulankaas uu furmi doono saacadaha soo socda.