Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku wehlin doona Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan xafiiskiisa iyo Mas’uuliyiin kala duwan, iyagoona saacadaha soo socda tegaya Dhuusamareeb.
Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa yahay ka qeyb galka wejiga saddexaad ee shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka uga furmaya Caasimadda Galmudug.
Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay Safarka, waxaana qoraalkiisa uu qornaa: “Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa Magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashig”.
Dhinaca kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uusan ka ambabixin Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Khudbad ka jeedin doonaa kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeelanayaan Villa Hargeysa.