Maalintii labaad waxaa kulan xasaasi ah ku leh Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo ay uga hadlayaan xaalada amni ee dalka.
Kulankii shalay ayaa Xildhibaanada waxa ay aad uga doodeen xaalada amni ee dalka,iyaga oo qaarkood walaac xooggan ka muujiyey,isla markaana ay soo bandhigeen caqabado amni oo xilligaan ka jira dalka.
Doodii shalay ayaa Xildhibaanada waxa ay xukuumadda ku eedeeyeen inay ku mashquushay arrimo kale halka laga doonayey inay amniga dalka xoogga saaraan.
Maanta oo Talaado ah ayaa markale xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay ka doodi doonaan amniga,iyaga oo qaarkood shalay dalbanayey in Hay’adaha amniga Baarlamaanka hor yimaadaan.
Shalay waxaa dooda ka qeyb qaatay oo aragtidooda soo bandhigay 20 Xildhibaan, sida qorshuhu uu yahay waxa maanta hadli doono oo aragtidooda ku saabsan amniga Muqdisho soo bandhigi doono 27 Xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii shalay is qoray.
Amaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyey,waxana baaritaano xooggan lagu sameynayaa Gawaarida ay wataan Xildhibaanada Golaha shacabka sida uu shalay sheegay Habdhowraha Baarlamaanka Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.