Xildhibaanada Golaha Shacabka oo diiday ka hadalka Ajendihii Maanta iyo sababta

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay mid kamid ah kulamadii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kulanka uu shir Guddoominayo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Mashruuc sharci ah oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada, kaasi oo laga doonayay inay Akhrinta Koowaad marsiiyaan.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo furitaanka kulankaas ka hadlay ayaa si cad u diiday inay Akhrinta Koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Sababta ay Xildhibaanada u diideen inay sharcigaas ka hadlayaan ayaa waxaa ay ku sheegeen inay tahay in sharcigaas Mashruuca uu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media