Mudanayaasha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Shir Guddoominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta yeeshay kulankodii 6aad kalfadhigiisa 6aad ee Golaha Shacabka.
Mudanayaasha ayaa ugu horeyn dood ka dib meelmariyay Sharciga iibka Qaranka, waxaana ogolaatay 133 xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday halka Afar mudane ay ka aamuseen meel marinta sharcigan.
Sidoo kale mudanayaasha ayaa ansaxiyay sharciga Furdooyinka waxaana ogolaatay 134 waxaa diiday Shan Xildhibaan, Sedexna way ka aamustay.
Kulamaddii u dambeeyey ee Golaha Shacabka ayaa lagu meel mariyey Sharciyo muhiim u ah dalka kuwaas oo ay soo gudbisay Xukuumadda dalka.