Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka kana ka qeyb galay Shirkii Wadatashiga Puntland ayaa kasoo horjeestay hadal kasoo yeeray Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe.
Qoraal ay soo saareen Xildhibaanada oo Puntland ku matela DFS ayaa waxaa ay ku sheegeen in Wasiirada dowladda aysan ku matelin hadalkii ay uga soo horjeesteen qodobo ku jiray Shirkii Garoowe.
Sidoo kale Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka oo ku sugan Garoowe ayaa waxaa ay nasiib darro ku tilmaameen in Wasiirada ay ka abaal dhaceen Casuumaadii Puntland ay u fidisay.
Waxaa kaloo Xildhibaanada ay Wasiirada kasoo jeeda Puntland ay ku eedeeyeen in hadalkii ay shalay sheegeen looga soo diray Madaxtooyada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Xildhibaannada waxay si weyn u soo dhaweeyeen Shirkii wadatashiga Puntland iyo qodobadii kasoo baxay.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Xildhibaanada dowladda ee kasoo jeeda Puntland.