Maanta oo Isniin ah ayaa la filayey in siwadajir ah loo furo Kal-fadhiga Afaraad ee Baarlamaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,kaas oo uu furi lahaa Madaxweynaha Soomaaliya.
Wariyaheena Cabdi Fitaax Kalgacal oo ku sugan Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye oo munaasabada furitaanka ay ka socoto ayaa soo sheegaya in Xildhibaanada Aqalka Sare qaarkood ay u sheegeen in Maanta uusan u furmeynin kulankooda.
Sanoterada weli mashaacin sababta ay u qaadaceen furitaanka Kulanka Baarlamaanka labada aqal oo Maanta lagu waday in siwadajir ah u furmaan.