Xildhibaan Axmed Xuseen oo ah Somali-Canadian laga soo doorto magaalladda Toronto ee Gobalka Ontario ee dalka Kanada ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalka Canada .
Wasiirka waxa kale oo uu ahaa Guddoomiyaha Canadian-Somali Congress oo ah Urur ay leeyihiin Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalkaasi.
Ra’isul-wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay inuu Xildhibaan Axmed Xuseen yahay Wasiirka Cusub ee Socdaalka.
Waxa uu xilkaasi kala wareegay Wasiirkii hore ee Socdaalka, John McCallum.
Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalka Canada. Ahmed Hussien waxa uu ku dhashay, kuna soo barbaaray Somalia, wuxuuna dalka Canada tegay isagoo 16-jir ah sannadkii 1993-kii, waxaana uu degay magaalladda Toronto.
Ahmed Hussien waxa uu Shahaadda Bachelor of Arts degree in History (B.A) ee Cilmiga Taariikhda ka qaatay Jaamacadda York University, wuxuuna kaloo Shahaadda Sharciga ee (Law degree) ka qaatay Jaamacadda the University of Ottawa.
Wasiirka cusub ee Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalka Canada waxa uu ku hadli karaa Luqadaha Somali, English iyo Kswahili.
©Radio Dalsan