Xildhibaan laga eryey Barlamaanka Masar, kadib markii uu la kulmay Danjiraha Yuhuudda.

Towfiiq Cukaasha oo ahaa Siyaasi iyo Weriye Telefishin ayaa laga saaray Barlamaanka dalka Masar, iyadoo ay inta badan Mudanayaasha u codeeyeen arrintaasi.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii uu Towfiiq Cukaash kulan qado sharaf ah gurigiisa ugu sameeyey Danjiraha Yuhuudda u jooga Masar, Haym Koreen.

Mid ka mid ah Mudanayaasha Barlamaanka Masar ayaa la sheegay inuu kab ku tuuray Xildhibaanka xilka laga qaaday, inta uu socday Kulanka Barlamaanka.

Dhinaca kale, Danjiraha Yuhuudda, ayaa tilmaamay inuu Kulanka qadada uu Fiikirkeeda lahaa Towfiiq Cukasha, kana wada haadleen Xiisadda Falastiin iyo Yuhuudda iyo Dhismaha Biyo-xireenka ee ay Ethiopia ka dhisayso Webiga Niil.

CUKAASHA01

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor