War-murtiyeedka Hoggaamiyayaasha Ururka EAC oo looga hadlay Xubinnimada Somalia ee Ururkaasi iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Shir-madaxeedkii 17-aad ee Madaxda ku mideysan Ururka Suuqa Bariga Afrika (East Africa Community) uga socday magaalladda Caruusha ee dalka Tanzania ayaa la soo gebagebeeyey.

War-murtiyeed laga soo saaray Kulankaasi kadib, ayaa lagu sheegay in Shirweynaha lagu soo hadal-qaaday sidii Somalia loogu oggolaan lahaa inay xubin ka noqoto Ururkaasi, balse aan weli la isla meel dhigin.

Hoggaamiyayaasha Uruka EAC waxay kaloo sheegeen in Diyaargarowga Dowladda Federalka inaan weli la dhamasytiran, isla markaana mar kale looga arrinsan doono Shir-madaxeedka 18-aad ee soo socda.

Dhinaca kale, War-murtiyeedka Madaxda Ururka EAC waxaa taageero loogu muujiyey Shacabka iyo Dowladda Kenya weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Ciiddankii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel Cadde ee dalka Somalia.

War-murtiyeedka, waxaa kaloo lagu xusay inay si xun u cambaaraynayaan weerarkaasi, isla markaana waxay xaqiijiyeen in laga hortago Argagixisadda iyo Ammaan La’aanta ka jirta Gobalka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor