Xildhibaan ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo Gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir kaas oo geystay khasaaro dhimasho ah.

Qaraxaan ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay afaafka hore ee  Maqaayada London Gate oo u dhow hotelka Muno oo ku yaalla degmada Xamarweyne Gobolkan Banaadir.

Dad Gobjoogayaal ah ayaa wax ay sheegeen in Gaariga uu ahaa mid qaraxa lagu xiray,isla markaana markii uu marayay afaafka hore ee Maqaayada London Gate uu qarxay.

Qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday Xildhibaan Cabduweli Maxamed Ibraahim oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.

Xildhibaankaan ayaa waxa uu ku noqonayaa Xildhibaankii Afaraad ee ka tirsanaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle ee lagu dilo qarax ama weerar ay fuliyaan Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor