Wali waxaa isi-soo taraya wararka laga helayo Qaraxyada Caawa ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa dad hor leh oo ku dhintay weeraradaasi.
Shaqsiyaadka lasoo sheegayo in ay ku dhinteen weeraradaasi ayaa waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa Musharxiinta ku ugan Baladweyne ee doonayay in ay u tartamaan mid ka mid ah kuraasta taalla magaalada Baladweyne.
Cali Cabdi Dhuxul ayaa si gaar ah uga mid ahaa musharixiinta Kursiga HOP #058, kaasi oo doorashadiisa Baladweyne loogu madalsan yahay in dhawaan la qabto.
Magaalada baladwyene ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa caawa wajahaysa habeen aan Qurux badnayn, kadib markii Magaalada ay gil-gileen Qaraxyo waa weyn oo siyaabo kala uga dhacay Xaaafado ka mid ah Baladweyne.
Aaamina maxamed Cabdi oo ka mid ahayd Xildhibaanaada Muddo Xiloodkoodu dhammaaday ayaa sidoo kale ka mid ah mas’uuliyiinta ku dhintay Qaraxa ka dhacay Afafka hore ee Maadxtooyada Baladweyne, waxaana uu ahaa Qarax ismiidaamin ah.
Wixii kusoo kordha la soco.