Magaalada baladwyene ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa caawa wajahaysa habeen aan Qurux badnayn, kadib markii Magaalada ay gil-gileen Qaraxyo waa weyn oo siyaabo kala uga dhacay Xaaafado ka mid ah Baladweyne.
Qaraxa Koobaad yaa ka dhacay Afafka hore ee Maadxtooyada Baladweyne, waxaana uu ahaa Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday Xildhibaanad Aaamina maxamed Cabdi oo ka mid ahayd Xildhibaanaada Muddo Xiloodkoodu dhammaaday.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogganaa si weyna looga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Baladweyne ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay Khasaaro intaa ka badan oo dhimasho iyo dhaawac leh.
Sidoo kale Qaraxyo kale ayaa ka dhacay Magaaalda, waxaana dadka degaanka oo aynu la hadalnay aysoo sheegayaan, in haatan xaaladdu tahay mid kacsan.
Ilaa iyo seddex Qarax ayaa magaaalada ka dhacay, waxaana adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay, maaddaama wali la wado gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyada.
Isbitaalada magaalada ayaa haatan la gaarsiiyay dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen, waxaana wararku intaas ay ku darayaan in xaaladdu haatan tahay mid kacsan,xili cabsi iyo wal wal aad u daran ay dareemayaan dadka magaaladu.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.