Xildhibaan hore looga soo doortay Degmadda Mandheera Koonfurteeda oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Huuko ayaa la sheegay inuu maanta geeriyooday, kadib, markii uu xanuunsanaa ku-dhawaad hal sanno.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Mandheera, saacado kadib, markii uu ka soo laabtay magaalladda Nairobi, isago oka soo baxay Isbitaal ku yaalla Mombasa.
Marxuumka Walaalkisia oo lagu magacaabo Cabdi Aadan Cali ayaa u sheegay Warbaahinta uu ka soo laabtay Isbitaal lagu daaweynayey oo ku yaalla Mombasa.
Marxuumka oo guri ku leh magaalladda Nairobi , waxaa la filayaa in galabta lagu tukado Salaadda Janaasadda, ka hor inta aan lagu aasin Qabuuraha Langaata ee magaalladda Mandheera.