Deegaanka Af-urur dhawaan waxaa isaga baxay ciidamada Maamulka Puntland,bixitaankooda kadib waxaa si buuxda gacanta ugu dhigay deegaanka dagaalyahanna ka tirsan Al-shabaab oo illaa hadda maamula.
Saaka Wararka laga helayo Af-urur waxaa ay sheegayaan in xaalad kacsanaan ahi ay ka jirto kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland oo ka baxay deegaanna ka tirsan Gobolka Bari ay u jiheysteen dhinaca deegaankaasi.
Al-shabaab oo ka war helay ayaa lasoo sheegayaa in iyana dhankooda ay dhaq-dhaqaaq wadaan sida lagasoo xigtay ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan deegaankaasi.
Masuuiyiinta Puntland ee amniga qaabilsan ayaa lagu eedeeyey inay sameeyeen dayacaad amni kadib markii ciidamkooda ay kala baxeen deegaanka iyagoon ogeysiin hoggaanka dhaqanka ee dadka deegaanka jimcihii lasoo dhaafay.
Warar aan helnay ayaa xaqiijinaya in ciidamada saaka u jiheystay deegaanka Af-urur ay yihiin ciidan amarka laga siiyey Madaxtooyada Puntland islamarkaana saraakiisha hoggaamineysa lagu amray in Al-shabaab ay deegaankaasi dib ugala wareegaan.
Xaaladda deegaanka ayaa saaka kacsan waxaana cabsida ugu badan muujinaya dadka deegaanka oo ka cabsi qaba in waxyeello ay kasoo gaari karta haddii meesha dagaal ka dhaco.