Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Gaaray Dalka Holland si uu u gudbiyo Dacwada Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa gaaray shalay gelinkii Dambe Magaaladda Amsterdam ee Dalka Holland si uu ugu gudbiyo Dacwadda Badda ee Soomaliya iyo Kenya Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda (ICJ).

Xeer ilaaliyaha waxa uu berito oo isniin ah oo ay Taariikhduna tahay 13ka july u gudbin doona Maxkamadda Hague galka Dacwadasi isagga oo ay wehliyaan qubaradii diyaarisay Dacwada oo isugu jira Soomaaliya iyo dad kale oo ajaanib ah.

Haddaba Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday ineysan meesha ka saarin Dacwada Badda ee Soomaaliya ay u qabto Dowladda Kenya.

Dhulka Badda ee lagu muransan yahay ayaa ah Qiyaastii 142,000 Km oo laba jibbaaran.

Waxa Dacwada qaadi doonna 15 Garsoore oo ay ku jiraan Gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka maxkamadda Caaalamiga ee Cadaaladda (ICJ).

Haddii Soomaaliya ay si rasmi ah u gudbiso Dacwadan waxa ay soo bixi doontaa Natiijada Dacwadasi horaanta Sannadka soo socda ee 2017ka.

Waxa xusid mudan in Go’aanka Maxkamadda ay rido uu yahay mid aan ka noqosho laheyn oo aan laga qaadan karin wax racfaan ah.

W/Q Xuseen Maxamed Xuseen

[email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor