Dalxiisayaasha Britishka oo looga digay inaysan socdaal ku tegin dalal ay Somalia ka mid tahay

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Commonwealth Office ee dalka Britain  ee  (FCO) ayaa waxay soo saareen Liiska Waddamadda ay Muwaaadiniinta Britishka, gaar ahaan Dalxiisayaasha kala kulmi karaan khatar dhinaca amniga.

Hadalkaasi ayaa soo baxay kadib, markii dhowr isbuuc ka hor 30 Dalxiisayaal British ah lagu dilay weerar ka dhacay Xeebta loo dalxiis tago ee Sousse ee  dalka Tunisia.

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Commonwealth Office ee dalka Britain ee (FCO) waxa uu Liiska Dalalka uu ka digay in ay Muwaadiniintooda booqdaan ayaa  waxaa ka mid ah Somalia.

Muwaadiniinta Britishka ayaa lagula taliyey dhamaan Safaradda lagu tago Waddanka Somalia oo ay ku jiraan Maamulka Somaliland, marka laga reebo magaallooyinka Hargeysa iyo Berbera oo lagu tegi karo safaraadda muhiimka ah.

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Commonwealth Office ee dalka Britain ee (FCO) waxa uu tilmaamay inay Somalia ka jiraan cabsi sare oo dhinaca Argagixisadda oo ay ku jiraan afduubyo.

Dhinaca kale, Waddamadda looga digay Dalxiisayaasha Britishka inay booqdaan ayaa kala ah:- Afganistan, Iraq, Libya, Central African Republic,  Russia, Sierra Leone, Syria, Angola,Turkey, Bangladesh, Ecuador, Burkina Faso, Burundi, Burma, Cambodia, Chad, Cameroon, Colombia,Congo, Sudan, Ivory Coast, Thailand, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Egypt, Georgia, Guinea, Haiti, Mali iyo Saudi Arabia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor