Kulankii ugu horreeyey oo ay abid isku soo hor fariistaan Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Andy Luger iyo Saraakiil ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Federalka ee FBI ayaa lagu wadaa inuu caawa ka dhaco Xarunta Bulshadda ee The Phillips Community Center ee Waqooyiga magaalladda Minneapolis.
Qabanqaabiyaha Shirkaasi oo lagu magacaabo Sadiiq Warfaa ayaa sheegay inay Jaalliyadda Soomaali Maraykanka cambaareynayaan falalka Argagixisadda, inkastoo weli laga walaacsan yahay sida ay Dowladda Maraykanka tooshka ugu ifinayaan inay Dhallinyarradda ku lug leeyihiin Argagixisadda.
Waxa uu xusay inay Dowladda kharaj siiyaan dadka wararka u keena, si ay baaritaano ugu sameeyaan dadka lagu raad-joogo.
Sadiiq Warfaa oo madax Ka ah Ururka Global Somali Diaspora, ayaa sheegay in Shirka ay la yeelan doonaan Xeer-ilaaliyaha Maraykanka iyo Saraakiil ka socota Hay’adda FBI-da looga dan leeyahay dadaal lagu dhisayo xiriir rajo wanaagsan leh.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Xeer Ilaaliyaha Maraykanka, ayaa sheegay inuusan Mas’uulkaasi ka hadli doonin arrimo ku saabsan Argxgisadda marka uu caawa la kulmo Wakiilo ka socda Jaalliyadda Soomaalida Maraykanka ku nool magaallooyinka mataanaha.
Kulankaasi ayaa ku soo beegmayo iyadoo 6 dhallinyarro Somali Maraykan ah u xiran yihiin eedeymo la xiriira inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.