Boliska Kenya ee ku sugan Deegaanka Marsabit ayaa sheegay inay xireen 16 dhallinyarro ku sugnaa Masjid, kuwaasi oo ah Culumadda Tabliiqa.
Ciiddan hubeysan ayaa isku gedaamay Masjidka ay Tabliiqa ku sugnaayeen oo ku yaalla Xaafadda Daku ee Degaankaasi.
Boliska ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey in dhallinyarro laga shakiyey ay muddo dhowr habeen ah ku sugnaayeen Masjidkaasi oo ay cuntana ku karsadaan.
Saraakiisha boliska waxay la wareegeen Laptopyo, Mobaylo, Shandado, Furshaanta Jiifka iyo cunto ay wateen Culumadaas Tabliiqa ah.
Dhinaca kale, Mid ka mid ah Muslimiinta Kenya ee ku cibaadeysata Masjidka lagala baxay Culumadaasi, ayaa sheegay inay Culumadaasi faafinayeen Dacwadda Diinta Islaamka, isla markaana aysan wax lug ah ku lahayn kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Lix iyo tobanka Tabliiq ee la xiray ayaa la sheegay inay socod Wacyi-gelin iyo Diin Faafin ku soo mareen Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi iyo Degmooyinka Sololo, Moyaale, Isiyoolo iyo Marsabit.
Wararka ugu dambeeyey ee aynu ka helnay Xaalladda Culumadda Tabliiqa ayaa xaqiijiyey in lagu wareejiyo Saraakiisha Waaxda Boliska Kenya ugu qaabilsan La’dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda (The Anti-Terrorism Police Unit (ATPU)