Xeer ilaalinta Puntland oo Waaran soo xiris ah u jartay Siyaasiyiin

Xeer Ilaalinta Maamulka Puntland ayaa waaran soo xiris ah u jartay Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedkaasi iyo kuwo horay Xilal kala duwan kasoo qabtay, waxaana jirta eed Culus oo loo jeediyay masuuliyiinta.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Ergeyga Ganacasiga Madaxweynaha Soomaaliya, Khadar Faroole, Waasiir hore Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax ayaa dhammaantood loo jaray waaran lagu soo xirayo.

Masuuliyiintaasi ayaa lagu eedeeyay Khalkhalgelin amniga Puntland, xili maamulka Puntland uu maalmahaan dhex-daabalanayo siyaasado isdiidan oo dhinacyo kala duwan ah.

Doorashada qof iyo codka ah ee uu horboodayo Siciid Deni ayaa khilaafka ugu weyni ka taagan yahay,taasi oo aan la isku raacsanayn, waxaana jirta in xiriirka dowladda dhexe iyo Taliska Deni aysan isku wanaagsanayn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor