Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Xarun Xawaalad ah oo ku taalla ay weerar ku qaadeen rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah.
Ragga hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay weerareen Xawaalada Iftin Exress qeybta ay ku leedahay Garoowe, isla markaana ay ka qaateen lacag farabadan oo Xarunta taallay, xili la doonayay in lasiiyo dadweyne lacagtaas lahaa.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Maleeshiyaadka oo gaarayay 4 ruux ay horey u sii qaateen mid kamid ah Qoryihii hubka ahaa ee lagu ilaaliyay Xawaalada Iftin, ayna ku baxsadeen gaari ay wateen.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Magaalada Garoowe iyo Maamulka Xawaalada Iftin Exress oo ay uga hadlayaan falkii Maanta lagu dhacay Xawaaladda.
Si kastaba Bishii ramadaan ee lasoo dhaafay ayaa sidaan oo kale dhac loogu geystay Shirkada SOMTEL ee Magaalada Garoowe, isla markaana waxaa la sheegay in xiligaas laga dhacay dhacay 20 kun oo dollar.