Kadib dib u doorashada madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe waxaa hambalyo u diray madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheikh Maxamuud.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in uu hambalyo iyo bogaadiinba u dirayo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dib loo doortay.
Waxa uu yiri” Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay Md. Axmad Madoobe Waxaan leeyahay xilka Ilaahey ha kula garab galo.
Noqo kii bulshada reer Jubaland usii horumariyo, una dhammeystiro baahiyaha dib u dhiska oo ay ugu horreyso AMNIGA”
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta dib loogu doortay Jubbland in uu hogaamiyo 4-sano ee soo socoto kadib markii 56-cod uu kaga guulaystay 2-ba musharax oo kale oo midood ay haeyd haweeneey.
Dhinaca kalana Madaxweynaha Jubbaland ee dooran ayaa hambalyo ka helay xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Somalia oo ka qeyb galay doorashada ka dhacday Kismaayo.