Kismaayo, 22, Ogoosto, 2019-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa markii labaad ku guulaystay Doorashada madaxtinimada Dowlada Jubbaland oo Baarlamaani ah.
Madaxweynaha ayaa helay 56 cod halka musharaxa ku xigay oo ahayd Canab Maxamed daahir ay heshay 17 cod Maxamed Muxumed ayaa isaguna helay 1 cod.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Sheekh Cabdi shakuur ayaa Madaxweynaha dhaariyay iyadoo uu garab taagan yahay Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Janaraal aadan koojaar.