Inta uusan Madaxweyne Barack Obama xilka wareejinin bishaan January 20-da waxaa la filayaa inuu Xoghayaha Ammaanka Gudaha Maraykanka uu Soomaalida aan Sharciga lahayn u kordhiyo Xilliga ay sii joogi karaan dalkaasi, lana siiyo Warqadda loo yaqaano Xaalladda Badbaadinta KMG ee (The Temporary Protected Status (TPS).
Sharcigan ayaa u fasaxayo Soomaalida in loo kordhiyo Fasaxa Shaqada, iyadoo aan dib loo eegaynin Kiisaskaasi.
Soomaalida sharci la’aanta ugu nool Maraykanka ayaa la sheegay in loogu kordhinayo muddo 18-bilood, wuxuuna Nidaamkan soo shaqeynayey tan iyo sannadkii 1991-kii oo ay Dowladdii Somalia burburtay.
Barnaamijka yaqaano Xaalladda Badbaadinta KMG ee (TPS) waxaa horey xilliga u kordhiyey Madaxweynihii hore ee Maraykanka, George W. Bush sannadkii 2001-dii iyadoo Madaxweyne Obama isagana kordhiyey sannadkii 2012-kii.
Dhinaca kale, Tiradda Qaxootiga Soomaalida ee tegayo Maraykanka ayaa waxa uu gaaray Heerkii ugu sarreeyey Abid, iyadoo ay 2,775 Qaxooti Soomaali ah tageen Maraykanka muddadii u dhexeysay bishii October 1-dii ilaabishii December 7-dii ee sannadkii hore.
©Radio Dalsan