Ugu yaraan 4 qof ayaa dhaawacantay, kadib, markii Waaberigii hore ee saakayto weerar lagu qaaday Dhismo Hotel la seexdo ama (Looj) oo ay degganaayeen dad aan u dhalanin dadka ka soo jeeda Mandera.
Hadal ka soo baxay Boliska Kenya ayaa lagu sheegay inay ka cabsi qabaan inay kororto Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Wargeyska The Star ayaa qoray inay Alshabaab u adeegsadeen Bam-gacmeedyo iyo miinooyin weerarka lagu qaaday Hotelka lagu magacaabo Bisharo Guest House.
Boliska waxay kaloo sheegeen inay soo badbaadiyeen 10 qof oo ay ku jireen kuwii lagu dhaawacay Weerarkaasi.
Taliyaha Boliska Mandera, Job Borongo oo isagoo ku sugan Garissa la hadlay Wargeyska The Nation ayaa xaqiijiyey Weerarkaasi, wuxuuna xusay inay dib u soo sheegi doonaan Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Warar aan la xaqiijinin ayaa waxay sheegayaan inay jiraan tiro dad ah oo lagu ddilay ama lagu dhaawacay weerarka lagu qaaday Bisharo Guest House ee magaalladda Mandera.
Dhinaca kale, Waa Weerrakii Labaad oo wax ka yar muddo hal bil ah lala beegsado dadka aan asal ahaan ka soo jeedin dadka deggan W/bari Kenya.
Bishan October 5-dii, 6 qof ayaa lagu dilay weerar ay Xarakadda Alshabaab ka geysteen Xaafadda Buulo Bobliko ee Degmadda Mandera.
©Radio Dalsan