Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yarreey ayaa sheegtay in shaqada uu wado Guddiga doorashooyinka ay sii soconto, xili dalka Soomaaliya ay ka dhaceyso doorasho dadban.
Guddoomiye Xaliimo Yarreey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Guddiga Doorashooyinka uu sii wadi doono howsha diiwaan-gelinta Xisbiyada siyaasadeed ilaa inta lagu shaqeynayo nidaamka dimuqraadiga Qaranka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga ayaa tilmaamtay inay jiraan dad badan oo su’aalo iska weydiinaya shaqada ay weli wadaan Guddiga Doorashooyinka, waxaana ay Carabka ku dhufatay in shaqada lasii wadi doono, uuna Guddiga sii jirayo.
”Waxaa dhici karto in la leeyahay doorashaa socotee maxay tahay Xisbiyadaan ladiiwan galinaayo gudigaan waa gudi jiro wiligiisna wadi doono howlaha xisbiyada inta uu qaranka jiro oo nidaamka dimuqraadiga aan ku shaqeyneyno ma aqaano hadii Millatari yimaado oo waxa dhan la laalo” ayay tiri Xaliimo Yareey.
Hadalka Guddoomiye Xaliimo Yarreey ayaa kusoo aadaya, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay heshiis rasmi ah ku gaareen in dalka ay ka dhacdo Doorasho dadban kuna dhacdo waqtigii loogu tala-galay, waxaana heshiiskaas ansixiyay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.